Shabakadda Guuxa Online, Waa Shabakad ay ku midoobeen in ka badan 8 Wariye oo caan ka ah Soomaaliya, waxaadna ka heleysaa Xog, Falanqeyn, Dhacdooyinka Maalinlaha ah iyo halka ay ka haleysan tahay Siyaasadda Soomaaliya, Rukumo wararkeena si moobeelkaaga iyo Computerkaaga laguugo soo diro, adigoo ku dhufanayo Calaamada gaduudan ee kaaga muuqato Shaashadda, sidoo kalana Pagekeena Facebook Like saar adigoo mahadsan 

_____________________________________________

Agaasimahii Warfaafinta iyo Xiriirka Madaxtooyada Soomaliya Xilligii Xasan Sheekh Maxamuud Shadoor Xaaji Shadoor ayaa si rasmi ah uga mid noqday Kooxda ay mashaariicda soo siisay dowladda Imaaraadka Carabta ee mucaaradka ku ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Guuxa Online, Shadoor ayaa ku biiray kooxda Cabdiraxmaan Cabdishakuur  ee mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya.

Shadoor ayaa loo magacaabay inuu noqdo ninka u qaabilsan Kooxdaan dhanka Warbaahinta, maadaama uu xiriir fiican la leeyahay qaar ka tirsan madaxda Warbaahinta.

Shadoor ayaa xiriir lasoo sameeyey qaar kamid ah warbaahinta, wuxuuna usoo bandhigay Mashruuc ku aadan ololaha ay wadaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo kooxdiisa, wuxuuna soo gudbiyey mashruuc Bile ah oo warbaahinta lagu siinayo lacag.

Sababta warbaahinta lacagta loo siinayo ayaa ah inay gudbiso warbixinada ay rabaan oo kooxdaan oo ay ku doonayaan inay kaga hor imaadaan dowladda dhexe isla markaasna ay mashruucooda u helaan taageero dhanka Shacabka ah.

Maxaa ku dhaliyey inuu kamid noqdo kooxdaan?:

Tan iyo markii laga qaaday xilkii Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Madaxtooyada Soomaliya  , Shadoor  Xaaji Shadoor ayaa waday dadaal ku aadan sidii looga dhigii lahaa Qunsulka Soomaaliya u qaabilsan dalka Malaysia.

Shadoor oo garab ka helayey qaar ka tirsan madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii ku guul dareystay in loo magacaabo xilkaas, maadaama da’diisa iyo xilka uu doonayo ay kala weyn yihiin, wuxuuna markaas wixii ka dambeeyey go’aan ku gaaray inuu kamid noqdo kooxaha dowladda kasoo horjeedo, maadaama uu waayey wixii uu Bilooyin badan raadinayey.

Shadoor ayaa maalmihii ugu dambeeyey kasoo muuqanayey Baraha Bulshada isagoo ka hadlayey Kiiska Qalbi Dhagax, wuxuuna sheegay inuu dhiibitaankiisa ahaa sharci darro, balse waxaa is waydiin mudan sababta keentay inuusan arrintaan ka hadlin ka hor inta uusan weyn xilkii uu raadinayey.

Shadoor ayaa Muqdisho joogay markii Qalbi Dhagax sida mas’uuliyad darada ah loogu wareejinayey dowladda Itoobiya, mana uusan ka dhiiban fikirka uu ka aamisan yahay xilligaas, waxaana wax lala yaabo ah inuu hadda ka hadlo markii uu dowladda ka waayey xilkii uu ka raadinayey, iyadoo ay muuqato inuu dano Siyaasadeed ka leeyahay arrintaan.

Fiiro Gaar ah: Warbixintaan waxay u gaar tahay Shabakadda Guuxa Online, lama isticmaali karo Xigasho la’aan, haddii kale Shirkadda Copyright Millennium Act oo aan ka diiwaangashanahay ayaan kugu dacweyn doonaa!! 

Shabakadda Guuxa Online ayaa akhrsitayaasheeda u ballan qaadeyso inay usoo gudbin doonto wax kasta oo ku soo kordha Siyaasadda Soomaaiya, Dhacdooyinka maalinlaha ah, Falanqeyn, Xog iyo gorfeynta isbadalka Siyaasadda Soomaaliya, haddaba Rukumo wararka Guuxa Online si Computerkaaga iyo Moobeelkaaga laguug soo diro  Wararka adigoo kaliya ku dhufanayo Calaamadda Gaduudan ee shaashada Moobeelka ama Computerkaaga kaaga muuqato kadibna raacayo wadada rukumashada, waana lacag la’aan, sidoo kalana Like saar Pagekeena Facebook

 Fikirkaaga hoos noogu reeb iyo meesha danta u ah Shacabka iyo dalka adigoo isticmaalayo facebook-gaaga

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here